Maxaad Ka Taqaan Labada Xildhibaan ee Jaajuusiinta ah

by Farah C/laahi | Thursday, Dec 21, 2017 | 72 views

Xildhibaan Cabdullahi Shaacir iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa la xaqiijiyey in ay Codad Sir ah ka duubaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo aan la hadlay ayaa ii Cadeeyey in labadaasi Xildhibaan uu Fahad Yasiin soo adeegsaday iyagoo uu ku xiran yahay Cod duube aan la dareemi karin ama aan loo jeedin.

Labadaasi Xildhibaan ayaa si caadi ah oo aan la fahmi karin ula sheekaysta Xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo Codkooda la duubayo, waxaana Cododkaa loo geeyaa Fahad Yaasiin kadibna uu siiyo Lacag.

Xildhibaanada aan la hadlay ayaa uga digay Xildhibaanada kale ee Baarlamaanka inay ka digtoonaadan Labadaasi Xildhibaan ee ay ku sheegeen Jaajuusyo.

si Gaar Xildhibaan Shaacir ayaa la xaqiijiyey in Xeer Ilaalintu inay u diyaarisay inuu Marqaati been ah ku furo Siyaasiga Abdirahman Abdishakur Haddii Maxkamad la geyn lahaa.

waa markii ugu horeeysay ee Muddo 27 sanno ah la ogaado Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo u shaqeeya sida Jawaasiista isagoo jaajuusaya Xildhibaano kale.

Labadan Xildhibaan ayaa ka tegay Doorkoodii ay Bulshada ay matalaan ugu shaqayn lahaayeen taa bedelkeedana ka door biday inay u shaqeeyaan Ninka ka tirsan Sirdoonka Dalka Yar ee Qatar haatana ku magacaaban Agaasimaha Madaxtooyada waa Fahad Yaasiine

Like it? Share it!

Leave A Response