Mareeyihii hore ee Dekadda Muqdisho oo ka shifay sirta ka danbeysay weerarkii A.A. Warsame

by Farah C/laahi | Wednesday, Dec 20, 2017 | 83 views

Sayid Cali Macalin Cabdulle oo ah xubin ka mid ah Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in weerarkii habeenkii Axada ay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ku qaadeen Guriga C/raxmaan C/shakuur uu ahaa qorshe la doonayay in lagu khaarijiyo.

Sayid Cali oo warar markii hore soo baxayeen sheegayaan in lala xiray C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkaas, isla markaana wax loo socday ay ahaayeen isaga iyo C/raxmaan C/shakuur.

“Xilli Saq dhexe anagoo dhameysanay howlaheena oo markaas aan rabno in aan soo aadno Hotel Jazeera ayaa xabado nagu bilowday, waxaa u qaadanay in meesha Al-Shabaab soo weerartay, si la mid ah weerarada Hotelada iyo maqaayadaha ay ku qaadayeen oo kale ayaa rasaas fara badan iyo bambooyin nalagu soo riday guriga, markii dambe waxaa ogaanay inay askar ka tirsan ciidanka ay yihiin, ujeedada weerarkaas ma aheyn mid qabasho ee wuxuu ahaa mid la rabay in nagula khaarijiyo aniga iyo C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Sayid Cali Macalin oo la hadlayay Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in guriga lagu dilay lix qof oo mid ay aheyd haweeney, kuwaasoo uu sheegay inay isugu jireen Ilaalada xarunta, darawal iyo Haweeney shaqaalaha guriga aheyd.

“Xisbiga jidkiisa sharciga ayuu ku socdaa, waana ka xunahay in hada loo noqdo qaabkii qoriga, in waddo sharci loo soo maro ayay aheyd, dad rayid ah oo ogol sharci ayaa nahay, ee ma aheyn in xoog naloo isticmaalo, taasna meel ay sharciga kaga qoran tahay ma jirto”ayuu yiri Sayid Cali oo horay u soo noqday Maareeyihii Dekeda Muqdisho, xilligii dowladdii Sheekh Shariif.

Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkii lagu dilay weerarka lagu soo qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur in iyagoo aysan eheladooda arkin meydkooda in hal meel lagu aaso, taasoo uu xisay inay tahay dareen gooni ah oo taabaneysa ehelada dadkooda la laayay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Xisbiga Wadajir uu diyaar u yahay wixii xuquuq ee ka maqan inuu waddo sharci ku raadiyo, isla markaana howlihiisa uu sii wadayo, marna aanu u hakin doonin cabsi gelin iyo hanjabaad midna.

Like it? Share it!

Leave A Response