Madaxtooyada Soomaaliya oo noqotay saldhig lagu sharaf dilo madaxda qaranka

by Farah C/laahi | Friday, Sep 15, 2017 | 135 views

Qasriga madaxtooyada waa xarun loogu talagalay in looga arrimo guud ahaan dalka waana hooy shacabka ka wada dhaxeeya una furan muwaadin kasta waxaana dhexyaalla kursi loo tartamo afartii sanaba mar.

Aqalka madaxtooyada waa meel u baahan in loo dooro shaqaale aqoontoodu sarreyso xirfad iyo waaya aragnimana u leh hab maamuuska iyo dhaqanka wanaagsan ee lagula macaamilo madax iyo qof caadiya intaba haddii aan shaqsiyaadka sifooyinkaas lehna loo xulin waxay noqoneysaa goob dalka lagu dumiyo halkii ay noqon lahayd meel wax lagu dhiso laguna horumariyo.

Hadda dalka waxaa madaxweyne ka ah mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo doorasho ku yimid si weynna loogu farxay qabashadiisii xilka ugu sarreeya ee dalka waxaadse mooddaa in madaxweynuhu uu noqday Dukihii caanaha calfan waayey.

Haddaba maxaa ka dhex socda madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya meesha ugu weyn oo ay ka liidato waa qeybta warbaahinta oo ah isha keliya ee u dhaxaysa shacabka iyo madaxweynaha laguna kala ogaado baahiyaha iyo cabashooyinka shacabka nasiib darrose xaafiiska warbaahinta madaxtooyada waxay noqtay meel lagu qorsheeyo sumcad xumada iyo jaa’ifeynta madaxda dalka waxaana xaafiiska warbaahinta madaxtooyada uu noqday mid u shaqeeya madaxweynaha oo keliya ee aan ilaalin sharafta iyo karaamada madaxda dalka intooda kale oo uu ku jiro ra’iisulwasaaraha dalka.

Agaasimaha warbaahinta madaxtooyada.

Mas’uulka ugu sarreeya xaafiiska warbaahinta madaxtooyada wuxuu waqtigiisa iyo dhaqaalihii qarankaba ku bixiyey sameynta Websiteyo iyo Feysbuugyo lagu sumcad dilo madaxda dalka kuwaasoo si maalinle ah loogu soo daabaco warar been abuur ah iyo qoraallo sharafta looga wasaqeynayo qaar ka mid ah hoggaanka dalka.

Agaasimaha warbaahinta madaxweynaha waa nin kala garan waayey xilkii loo igmaday iyo mas’uuliyadda ka saaran dalka wuxuuna doorbiday inuu xilkiisa ugu adeego madaxweynaha keliya madaxdii kale ee dalkana u sameysto dhawr Website oo lagu ugaarsado madaxda dalka ee wasiirro ah ama baarlamanka ku jira.

Xafiiska warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya waxay shirar joogto ah ku qabataa madaxtooyada iyo hoteellada Muqdisho iyadoo la isugu yeero websiteyada wararka been abuurka ah ka qora madaxda si loo siiyo xogo been ah oo la doonayo in lagu cuuryaamiyo shaqada dalka taasi looguna gafo madaxda,
Madaxweynaha Soomaaliya lama dhihi karo si buuxda ayuu ula socdaa shaqada ka socota xaafiiskiisa warbaahinta ee dacaayadda looga fidinayo madaxda dalka laakiin waxaa la dhihi karaa waa mas’uuliyad darro iyo shirqool weyn oo lagu duminayo qarannimada derisna la ah xaafiiskii madaxweynaha Soomaaliya taasoo ay ahayd in hoggaan looga dhigo shaqsi mudan oo ilaaliya sharafta iyo karaamada madaxda dalka halkii uu kala xigsan lahaa.

Ilaha raqiista ah ee xaafiiska warbaahinta madaxweynaha uu u adeegsado kuna ugaarsado madaxda dalka waxaa ka mid ah dhawr feysbuug oo hoggaanka xaafiiskaas leeyahay magacyo kala duwan oo qaarkood dumar ku jiraanna isticmaala, Websiteyo horey u jiray iyo kuwa cusub si bille ahna mushaar loogu qoray iyo shaqsiyaad magaalada u jooga islamarkaana fidiya warar been abuur ah oo uu isleeyahay xilkaaga iyo kan madaxweynaha ku ilaali laakiin runtii ah kuwo dalka u horseedaya aaminaad darro iyo kala shaki ku yimaada madaxda dalka.

Warbixintaan waxay billow u tahay warbixinno taxane ah oo aan ka diyaarin doonno qiyaanada xaafiiska warbaahinta madaxweyne Farmaajo.
Goorddhaw waxaan idinla wadaagi doonnaa lacagaha uu u isticmaalo websiteyada, qaabka uu ku bixiyo, cidda la shaqeysa, lacagta sida uu ku helo iyo cadaawadda qorsoon ee madaxa warbaahinta madaxtooyada kaasoo muuqaal ahaan u eg nin wanaagsan laakiin runtii ah shaqsi laba wajiile ah oo calooshiisa uun ka fikira danna aan ka lahayn nolosha dadka kale horeyna u dhacay dad masaakiin ah isagoo mashaariic lacago lagu lunsaday ka hirgeliyey Muqdisho.

La socosho wanaagsan qeybo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response