Michael Keating oo sheegay Shabaab inay awood u leeyihiin fulinta weeraro

by Farah C/laahi | Tuesday, Dec 26, 2017 | 49 views

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya Michael Keating oo ka hadlaayay xaaladda Somaliya, ayaa sheegay Shabaab weli inay leeyihiin awood muuqata oo ku aadan dagaalka Somaliya.

Keating, ayaa wuxuu tilmaamay Xoogaga Shabaab inay weli awood u leeyihiin fulinta weeraro ay ka gaystaan Gobolada dalka Somaliya iyo Muqdisho.

Wuxuu sheegay Shabaab inay ka faa’iideysanayaan maqnaanshaha dowlad maxali ah oo awood u leh nabadgelyada guud ahaan Somaliya.

“Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus, oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay ka faa’iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan, maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka jira dalka.” Ayuu yiri Michael Keating.

Shabaabka Somaliya ka dagaalama ayaa ku sugan Magaalooyin kala duwan oo ka mid ah Gobolada dalka Somaliya, waxayna si joogto ah weeraro ugu qaadaan Saldhigyada ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response