Ina Idiriisow; SHAME ON YOU!

by Farah C/laahi | Monday, Sep 4, 2017 | 85 views

Bashiir M. Xersi (GarsoorNews) — “HILAADIN, oo ah dhigane aan qoray, daabiddiisuna socoto, dhawaanna soo bixidoona, ayaa waxaa jira halbeeg la yiraa: “WADAAD MA AHA WALI!” aan ku leeyahay sidan; “War wadaad iyo waliimo, wixii laga yiri ayaa iga deeqa, haddana, sida dadka kale, markay leexdeen ama leexiyaan ama leexsadaan –sida ay u badan yihiin- aragti diimeedkii, ayaan is hayn waayaa, anoon dhawr eray ka dhihin, anoon dhawr sadar ka dhiginna ma xasilo. Taa waxaa iigu wacan, waa sida ay uga qatar badan yihiin inta kale, ee bulshada kaalin ama saamayn ku leh, oo iyagu mar walba waxay duggaashanayaan magacii Eebbe, lana mid yihiin; ruux kaa xiga dhimbisha dhankeeda, oo hadduu doono dabka kugu dambaaburayn kara, hohna kugu siin kara.”

Haddaba wadaadka sare magaciisu ku xusan yahay, ayaan marar badan arkay, isaga oo bulshada soomaaliyeed u la hadlaya, sidii in aysan waxba ka la garan ama xabba ka la ogayn, oo durid ogaal iyo aqoon ka sokow, ahba bahdil QAWMIYADEED. Inta aanan ka hadal dhacdhaciisa iyo gefafkiisa, marka laga soo tago, in afkeenna uu ku hadlo, horta ma Soomaali baa, mise, ma ahan? Weydiinta waxaan u dhigayaa, in aan arkay tiro aan yarayn isaga oo lagu doodsan yahay dhalashiida.

Wadaadka sare ku xusan, wuxuu ka mid ahaa madaxdii ALITIXAAD, ee ku la dagaalay Gen. Maxamad Faarax Caydiid buundadii Araare 1991, sidoo kale, Cabdulaahi Yuusuf gobolka Bari 1992. Markii ALITIXAAD labadaa dagaal ku jabeen, ayey u wareegeen gobolka Gedo iyo Godey 1994-1998, haddaba, markaa maxaa xigay?.

Aragtida wadaadda cusub, oo la falgashay fawdo iyo saboolnimo baahsan waxay u suuragelisay, in dhallinta qaybtii aan dalka ka qixin ama aan qayb ka noqon dagaal beeleedka ay u gacan galeen wadaaddadii ma naxayaasha ALITIXAAD, oo markii dambe u xuubsiibtay gumaad iyo layn da’yar badan oo beel walba leh illaa Alshabaab ka soo baxday!

ALITIXAAD waxay dhallin badan ku dagaalgeliyeen diin dacareed iyo janno jaan, jeer lagu qanciyey dhallintaa, in ay lugaha silsilado isaga xiraan, si aysan uga baxsan goobta, oo ay ugu dhintaan. Loogu dilo! Aragtida gurracan ee dhammaynta dhallinta soomaaliyeed, ee ay qandaraaska ku soo qaateen ALITIXAAD iyo wadaaddada gadaal  ka gaarka ah, dhallinta iyo dadka ay dileen waxay ka badan yihiin inta lagu dilay dagaal sokeeye beeleedka. Tan ka sii ka daran tas waxay tahay, marka dhallinyaradii laga dhaadhiciyey, in garabkooda ay ka dagaallamayaan MALAA’IK, sida dagaalkii BADAR iyo dagaallo kale oo dhacay xilligii Suubbanuhu noolaa NNK. Sakariye Ismaaciil Xersi weydiiya wax badan ayuu ka ogyahee. Dagaalkaa waxay eheed markii u horraysay, ee ay Xabashidu ku soo xadgudbaan xudduudka dalka, kuna soo aadday geerida Gen. Caydiid ka dib!

Dagaallo qaraaraa, dhimasho badan, dhaawac badan iyo jab weyn ka dib, intaa ku ma simine, markii ay Xabashidu ku soo jabiyeen Gedo iyo Godey, ayey ALITIXAAD iyagoo habqan ah, magaciina u badashay AL ICTISAAM, waxay u soo laabteen degaannadii kale ee dalka, gaar ahaan koofurta dhexe iyo fog sida Muqdisho, Marka, Kismaayo IMK. Doqoni dibir ka ma dheregtee, ka mana quusato, in ay mar kale luggo’dee, waxay mar kale koofurta ka dhiseen waxay ku sheegeen MAXKAMADO ISLAAN, oo dhammaan aan hannaankii hore ee ururka lahayn, balse, ku wada daaban beelo. Gambasho!

Ma iimaansan intay dileen, intay cuuryaamiyeen, intay qixiyeen, intay diinta ka saareen, intay ku sheegeen qubuuro caabud, ee weli waxay sii wateen duullaankoodii dhaqan, bulsho iyo jiritaan dad. Wixii dhacay ayaamihii ALSHABAAB idin ku daalin maayo ka hadalkeed, oo waad ka wada dharagsan tihiin, ee aan u laabto sababta aan halbeegga qormada uga dhigay Ina IdiriisowSHAME ON YOU!

Waxaan daawaday isaga oo bulsho soomaaliyeed u aqrinaya wax aan u gartay MUXAARADO diineed, oo xanaaqa ka muuqda aad yaabaysid oo leh; “Soomaaliyeey SHAME ON YOU!” haddi ogow kan hadalkan Soomaali ku leh, ee ay ka dhagaysanayaan weliba iyaga oo u qushuucsan, wuxuu ka mid ahaa kuwii dhallinyaradoodu xasuuqay, qaar ka mid ahna dalka ka soo qixiyey, haddana dibaddii ku caynaya, oo leh ceeb idin ku dhacday! Horta aaway culumadii Soomaaliyeed, miyaa la waayey wadaadka dadkan diin u aqriya aan ka ahayn isaga?.

Intaa ku ma ekaane, Xasan Sheekh ayaa Kenya uga qaybgalay aas qarameed loo samaynayey ciidan ku soo dhintay dalkeenna gudihiisa, markaas ayaa sida caado diblomaasiga ah, madaxdii kale ee ka soo qaybgashana ay sameeyeen, wuxuu hogasho iyo luqun raaricin u sameeyey calan iyo naxashyo maydeed. Wadaadka sare ku xusun wuxuu faysbuug ku qoray qoraal uu diin ku sheegay, oo uga hadlayo aragtida diimeed ee luqun raaricinta ah, in kasta oo uu isaga SUJUUD ku sheegay! Been badni may ka eheed, mise, afka ayuusan si fiican u aqoon?.

Haddii uu intaa sameeyey, oo doorashadii soo dhawaatay, wuxuu ka mid ahaa wadaaddo diimeedkii dhexda ka galay ololaha doorashada, oo sida tooska ah u taageerey Formaajo xaqna u lahaa, balse, markii kooxda Formaajo ay dhiibeen Cabdikariin Sh. Muuse (Qalbi Dhagax) ayuu faysbuug toos u soo galay, oo malaha qoraalkii ka gaari waayey ama is yiri saamayn fiican ma yeelanayo!

Wuxuu la soo fariistay wax hubsada, oo hubsada. Isaga maxaa u diiday, in u hubsado markii uu ka hadlayey, in Xasan ku kacay fal lid ku ah diinta iyo in kale? Tan Xasan waa is ka caddeed, balse, tan Formaajo ma cadda, oo hubin ayey u baahan tahay? Warkan wuxuu la soo fariistay, marka ay soo bexeen xogo ciiddan ka badan, qirashada Xabashida, ka gaabsiga dawladdeenna iyo sawirka Qalbi Dhagax oo jeebbaysan! Alla diineey maxay danleey ku adeegsatay!

Inta weli qiiraysan, inta laaluushka ku qaadata faafinta beenta iyo inta taageero qabiil u qoraya huuhaa waan garan karaa, balse, midkan wadaadka is ku sheegaya iyo in uu diinta Eebbe yaqaan, maxaa ugu wacan QARINTA XAQA iyo LEEXINTA XAQIIQADA! Ogaalkey, diintu waa reebtay QARINTA XAQA, sida quraanka ku cadna wuxuu Eebbe ugu gooddiyey kuwa QARIYA XAQA in ay ciqaab aakhiro ku mudan doonaan! Wadaadkan waa ogyehee, muxuu isaga indha saabayaa, oo uusan ugu dhiirranayn dhihidda xaqa haba qaraaraadee? Tan kale, waxaan ogaa, in JIHAAD ay ugu fadli badan tahay eray XAQ ah, oo madax jawrfasha laga horyiraa! Wadaadkan in uu xaq sheego ama uu eray xaq ku hadlo is ka daaye, waxaaba u dheer marin habaabin iyo tusmo qaldan jeexid! Sidoo kale, waxaan ogaa, in dambi ay qofka ugu filan tahay sheegidda wax walba oo uu maqlo!

Dhibka bulsho ee na haysta waxaa ka mid ah, in mid kastoo GAR hamash ah leh, oo cimaamad cad ama guduudan ay madaxa ugu duuban tahay ama dhakada koofi u saaran tahay, in aan u rumeysanno WADAAD xaq ah una aammino si xad dhaaf ah. Sidoo kale, mid walboo suud gashan, luqun xirna u dheer tahay, af macaanina ku darsada, in aan u aqoonsanno WADDANI, anagoon ogaan waxyeelladooda illaa ay dabka nagu shidaan ama na shiidiyaan!

Qoraalkan waxaan ku soo afmeerayaa maanso uu tiriyey Abwaan Faarax Shuuriye, oo xeeldheere ku ahaa suugaanta iyo dhaqanka. Tixdu waxay caan ku tahay: “Ma is raaci karaan?!” kana hadlaysa qaybo badan oo nolosha ka mid ah, Abwaan Faarax Shuuriye wuxuu yiri:

Nin masaajid ku raagoo 

Cilmi raatib yaqaanoo

Wardigiisa ridaayiyo

Rufiyaanno dulloobay

Ma is raaci karaan?”. 

Mar kale Abwaan Faarax Shuuriye wuxuu gabay ku yiri:

Nin Cilmiga ku raagee bartaa, Xaqa hadduu raadsho

Ra’yi gaabtu waa uga hartaa, Rubacyaleeydaahe!”.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response