Imisa Musharax ayaa Is-diiwaangaliyay Doorashada Hirshabeelle

by Farah C/laahi | Wednesday, Sep 6, 2017 | 126 views

Jowhar (GarsoorNews) — Waxaa lagu waddaa saacaddaha soo socda in ay iska diwaan geliyaan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goobta ay iska diwaangeliyaan Musharaxiinta ku sugan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

inta la xaqiijiyay ilaa iyo 4 Musharax ayaa u taagan qabashadda xilka Madaxtinimadda maamulka Hirshabeelle.

12-ka bishaan ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu doorto Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa wuxuu si adag uga biyo diiday xil ka qaadistii Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ay ku sameeyeen, isaga oo Saldhig ka dhigtay Magaalada Baledweyne.

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response