Imaaraadka Carabta oo Ku Soo Biiray Kiiska Qalbi-dhagax

by Farah C/laahi | Tuesday, Sep 5, 2017 | 277 views

Muqdisho (GarsoorNews) — Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ku soo biirtay Xiisada Siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan ila lagu kalsoon yahay.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Imaaraadku ay bixinayaan lacag lagu qiyaasay 3milyan oo la siinayo dhinacyada Mucaaradka ku ah dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo diiday in magaciisa la xuso ayaa u xaqiijiyay GarsoorNews in dhaqaalaha Imaaraadku bixiyay la siiyay labo dhinac oo kala ah Damul Jadiid iyo Daljir.

Lacagtaasi inteed badan waxaa laaluush ahaan loo siin doonaa Xildhibaanada Barlmaanka Soomaaliya, si ay Cadaadiska ugu sii kordhiyaan Madaxweyne Farmaajo.

Warar kale ayaa sheegaya in kooxda ONLF la siiyay dhaqaale ay ku sii xoojiso ololaha Qalbi-dhagax si aysan u damin xiisadaasi.

Dowladda Imaaraadka ayaa dooneysa in Madaxweynaha Soomaaliya ay ku cadaadiso in uu kalaabto go’aankii dhex-dhexaadnimada ahaa ee uu ka qaatay khilaafka Wadamada Khaliijka Carabta.

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response