Illaa aan Laacibiinta Siyaasadda tababarno labac-labac ka biximeyno

by Farah C/laahi | Tuesday, Sep 5, 2017 | 138 views

Ahmed Guutaale (GarsoorNews) — Sida ku qoran buugga Halgan iyo Hagardaamo ee Ahun Gaashaanle sare Claahi Yuusuf Axmed sanaddii 1984-tii xilligii uu billowga ahaa qaran-jabka Jamhuuriyadda Soomaaliya; ayaa Itoobiya oo ka faaiideysaneysa taageeradii ay siisay jabhaddii SSDF waxa ay Calankeeda surtay degmooyinka Balanbal iyo Galdogob; kadib markii ciidankii XDS; oo dagaal adag lagalay SSDF uu taagdareeyey taasina ay u fududysay Itoobiya in ay fuliso qorshaha qaybi oo xukun.

Ahun: Cabdulaahi Yuusuf; oo saluugay calan ka taagidda Itoobiya ee Galdogob iyo Balanbal; ayaa damcay in uu diido, isaga oo kuu doodanaya in dhul-qabsi iyo calan kataagiddu ay yihiin astaamo gumeysi oo an ku jirin heshiiskii ay Itoobiya la soo gashay SSDF.

Wasiirkii arrimaha dibadda ee Itoobiya ee Xilligaas Gaashaanle Sare Goshu Walde; ayaa dareemay in Cabdullaahi Yuusuf; ay ku adag tahay in uu fahmo ama aqbalo in Bandiiradda Itoobiya ka taagan tahay Galdogob, si uu u quusyoogo waxa uu soosaaray Warsaxaafadeed lagu qoray af adag oo u muuqday jeesjees, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Balanballe iyo Galdogob ay kamid yihiin dhulka Itoobiya, balse ay furan tahay in laga wada-hadlo iyada oo wadahadalkaasina ku kooban yahay halka ay xadduuddu ka noqoneyso degmooyinkaas.

Cabdullaahi Yuusuf; waaga ayaa ku baryey, waa ogaaday in heshiiskii looga baxay oo si u la kac ah loo dhagray, waxa uu damcay in uu idaacaddii SSDF ka hadlo, balse inta la qabtay ayaa xabsi lagu tuuray.

33; sano kadib wasiirka arrimaha warfaafinta ee Itoobiya Dr: Negeri Lencho; ayaa soosaaray warsaxaafadeed sida kii Goshu Walde u qoran, kaas oo Itoobiya ku dhagartay madaxtooyada Soomaaliya oo kala shaqeysay in ay gacanta ku dhigto Itoobiya muwaadin Soomaali C/kariin Sheekh Muuse; wixii ay u sheegeen oo dhan waa ka bexeen, kadibna tooda ayay ka raacdeen.

Illaa aan Laacibiinta Siyaasadda tababarno labac-labac ka biximeyno

Ahmed Guutaale

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response