Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo eedayn u soo jeediyey Dawlada FS

by Farah C/laahi | Saturday, Oct 21, 2017 | 62 views

War Murtiyeed ay soo saareen Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalan looga hadlay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xukuumadda ayaa lagu eedeeyay in weli ay ka mashquulsan tahay arrimaha amniga, kuna mashquulsan tahay sidii dadka iyo dalka lagu sii kala fogeyn lahaa waa sida qoraalka ku xusane.

Sidoo kale golahan ayaa sheegay iney walaac ka qabaan qorshaha xukuumadda oo ay sheegeen in miisaaniyaddii amniga iyo tii dowlad gobleedyada loogu talogalay ugu leexisay arrimo siyaasadeed.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka:

Like it? Share it!

Leave A Response