FARIIN KU SOCOTA MADAXWEYNE FARMAAJO: FADLAN AQRI

by Farah C/laahi | Friday, Dec 22, 2017 | 54 views

Madaxweyne Farmaajo, waxaan aad ugu faraxsanahay iney Soomaali oo dhan (celceliska dareenkeyga) kuu istaageen. Markii lagu doortay, Xamar badi dadku wey kuu sacabba tumeen, waddooyinka ayay isugu soo baxeen, waxayna kula wadaageen iney aad ugu farxeen inaad adigu doorashada kusoo baxday, oo xitaa ciidamadii baa farxad la ilmeeyay habeenkii aad dadka iyo dalka u noqotay madaxweyne. Dibad iyo gudaba waxaa laguu muujiyay taageero. Waxaan waayay ereyadii aan ku cabiri lahaa sida laguugu qanacsanaa, maxaayeelay guushaadii baa farxad dadku wada saseen.

Sababtu maahayn inaad musharaxiintii kula tartameysay ugu qurux badneed, ugu caqli badneed, ugu waaya-aragsaneed, ugu hanti badneed, ugu xoog badneed, ugu qabiil fiicneed, ugu xigmad badneed, ugu af-tahansaneed ama aad ugu fiicneed dhinac kastaba ee waxaa laguugu taageeray in laguu arkayay inaad tahay:-

• Qof Daacada
• Qof Waddaniya
• Qof Taageeri Doona Ciidanka Soomaaliya
• Qof Isku Soo Dumi Doona Soomaalida
• Qof Ka Maran Nin Jecleysi ama Necbeysi
• Qof Maareeye Cadawga Soomaaliyeed iyo
• Qof aan Soomaaliya u Sameyn Doonin Cadaw Cusub

Saasdaraadeed, marka la fiiriyo jacaylka ay dadku kuu qabeen iyo meesha ay gaartay filashadooda, oo lagu daray balan-qaadyadii aad ka horsameysay matalaayaashooda (Baarlamaanka), iyaguna ay Warbaahinta kala socdeen, miyaaney xaq u lahayn iney isweydiiyaan waxa ku dhacay hankii ay kuu qabeen?

Ma awoodaan iney mid mid kuugu yimaadaan, oo uu qof waliba kula wadaago waxa ku jira qalbigiisa, adiguna sidoo kale fursad uma haysid inaad mid mid ugu jawaabto, Baarlamaankoodina inuu warbaahinta uun wax ka xuuraansado mooyee kama war haayo waxa gubaya, xildhibaankii isku daya inuu muujiyo dareenkiisana bara madow loo sameynayo, soo markaas xaq uma laha iney sida ugu fudud oo ay awoodi karaan kugu soo gaarsiiyaan fariintooda/dareenkooda (iyagoo isticmaalaya Baraha Bulshada?

Aan kasoo qaado inaad iigu jawaabi lahayd HAA. Haddaba, waxaan kuu sheegayaa iney shacabkaagii sidaas ahaa meel dhexe u joogaan dad u eg (marka la fiiriyo sida ay ku doodayaan) iney adiga iyo dowladdaada taageerayaal u yihiin, oo dagaal siinaya, caynaya, una gafaya shaqsiyadooda iyo cirdigooda, ilaa ay gaarsiiyaan iney ku nacaan adiga iyo dowladdaadaba, una arkaan in lagaa xigo ama aad tahay madaxweyne ay dad gaar ah leeyihiin.

Dood baa jirta oo sheegeysa iney dowladdaadu dadkaas qaarkii taageereyso, oo ay lacag ku bixiso, si loola dagaalo XOR U HADALKA, taasoo xanuunkeeda leh haddii ay jirto, waxaase suurtagal ah iney sidaas u jilayaan shacabkaaga, laakiin ay u qarsoon tahay nacaybkaaga (dowlad necbi), oo ay doonayaan iney iska horkeenaan dowladda iyo dadkeeda, taasoo ay hadda qeyb ahaan ku guuleysteen, haddii ay sidaan kusii socotana waxaa sida ugu fog u kala durqi doonaa adiga iyo muwaadiniintii u ilmeysay madaxweynanimadaada.

Shakiga ugu weyn waxaa dhaliyay in arrintaan, oo warbaahinta dalka si weyn u saameysay (Baraha Bulshada aa ugu daran), si fiicanna looga faalooday, ay dowladdaadu wali ka aamusan tahay, oo aysan dooneen iney la timaado hadal iyo ficil dadka shaki bixin kara. Kabasii daranee, Garsoorkii dalka ayaa noo sii raaciyay hanjabaad, isagoon soo hadal qaadin kuwa u dhaqmaya sida aan kor kusoo xusay.

Mudane Madaxweyne, waad dooran kartaa (hala guugula taliyo ama yaan laguugula talin) inaad iska aamusnaato, oo aadan juuqna ka oran hadduu xitaa dalku dhinac ka holcayo, laakiin mid uun ogow; waxaa fiican inaad ka hortagto haddii waxa soconaya ay shar noo yihiin, intii aad dooran lahayd inaad hadasho markii ay shartu timaado ama ay gaarto meel halis ah. Waxaan rabnaa NABAD iyo NOLOL, waana hal ku dhigga xukumaddaada.

Ma aqaan anigu maanta madaxweyne aan adiga kugu dooran lahaa, sababtuna waa inaan qof banaanka ka jooga nidaamka ku qanci karin BUULA-XOOFTADIISA SIYAASADEED, saasdaraadeed baan u doortay inaan adiga uun isku dayo inaan ku saxdo, oo aan kugu biiriyo feker iyo xog wixii aan haayo, waaba haddii ay fariintaan kusoo gaarto e.

Madaxweyne ha dooran dhaqankii Al-Shabaabka ee caburinta dadka, iyadoo la suurad xumeynayo qofka fekerkiisa, haddii la rabana loo dhibaateynayo jir ahaan, maskax ahaan iyo sumcad ahaan. Dowladd jacayl dartii qof dhaliishii uu arkaba u quuri la’ dowladdaada hadduu soo bandhigo siduu uga xun yahay (dareenkuu doono ama ereyaduu doono haku soo gudbiyee) uma arko sax in la colaadiyo/cadweeyo ama la weeraro. Waxaan rabaa iney dowladdu ka faa’iideysato, oo ay meelahaas noqoto baraha ay ka luflufato, si ay isku saxdo, wixii intaas maanicinayana waa isbaaro dhex taala dowladda iyo dadkeeda ee ila ogow Madaxweyne.

Ugu dambeyntii, Waxaad tahay madaxweynaheena, hoggaan aan ay Baarlamaanku ku doorteen jacaylkeena, rabno inuu naga taxadaro, aan u quuri la’ nahay xumaan, dooneyno inuu u dhaxeeyo Soomaali oo aysan qolo gaar ah meel ku xiran, fahmi kara xogta uu helayo sax iyo qalad sidey tahay, go’aan qaadasho fiican, sixi og qaladaadkiisa, geesiya oo had iyo goor nala wadaaga dareenkiisa, oo aan loo dhaxeyn isaga iyo shacabka intii macquul ah.

F.G. Ma hubo inaan haleelay hadalka xubintiisa, waxaanse ahay muwaadin iska jecleystay inuu hogaankiisa hagaagsanaado oo, waa la qaldami karaayee, leh madaxweyne hanuunsan, dadkiisana ka war haaya, oo aan ku dagmin dacaayadaha socda hadda. Intii dhibsatay hadalkan ha raali ahaato, inta soo dhaweeneysana wey mahadsan yihiin, waxaana si gaara u bogaadinaya qofkii fariintan gaarsiin kara Madaxweynaha ama sii share-gareeya.

Mahadsanidiin
Nuur Cali Faarax

Like it? Share it!

Leave A Response