Eedeymo Musuqmaasuq ah oo lagu eedeeyay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka

by Farah C/laahi | Monday, Dec 25, 2017 | 58 views

Wasaarada Haweenka iyo Horomarinta Xaquuqda Aadanaha DFee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey Musuq Maasuq iyo wax is dabamarin in ay ku sameysay Guddiga Madaxa Banaan ee Xaquuqda Aadanaha kuwaasi oo ay  dooranayeen Ergooyin laga soo kala xuley Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kuwaasi oo ka koobnaa 19 Ergo.

Ergada ka timid Maamul Goboleedyada oo tababar ay siiyeen Khubaro ka socotay UN-ka ayaa loogu talagalay inay Imtixaan ka qaadaan dadka u tartamayey Guddiga Madaxa Banaan ee Xaquuqda Aaadanaha.

Musuqmaasuqa ayaa yimid kadib markii Wasiirka Haweenka ay kala dirtay Ergadii ka timid Gobolada iyadoo Magacyo gaar ah oo ay wadatay ka dhigtay inay ku guulaysteen Tartankii loo galay ka mid noqoshada Guddiga Madaxa Banaan ee Xaquuqda Aadanaha waxayna warqadihii Go’aanka ah ka saxiixatay Haweenay lagu Magacdeeda lagu soo Koobay Najax loona doortay inay noqoto Gudoomiyaha Ergada Maamul Goboleedyada iyadoo ka mid ahayd Xubnihii ka yimid Maamulka Puntland.

Wararka ayaa Xaqiijinaya in Wasiirada Haweenka Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi ay iyagu wakiil ka yihiin Musuqmaasuqa ka lagu sameeyey ka dhacay wasaarada.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa lagu eedeeyey inay ku kaceen Nidaam hareer marsan Hawlaha shaqo ee wasaarada  iyagoona ku kacay musuq maasuq ,laaluush iyo Qaraaba kiil, ay ku soo xuleen dhalinyaro iyagu ay si gaar ah u wateen, iyagoo meesha ka saaray dadkii araajida u soo qortay inay u tartamaan ka mid noqoshada Guddiga Madaxa Banaan ee ee Xaquuqda adanaha.

Dhinaca kale Xubno Aqoonyahano ah oo tartanka ka qaybgalay ayaa Warbaahinta u sheegay in Wasaaradu ay faro gelin ku samaysay liiskii rasmiga ahaa ee loo soo gudbiyey iyagoo ku bedeshay liiska dad aanan buuxin karin sharuudahii laga rabey,kuwaasi oo da,doodu ay ka hooseyso 25 sanno jir, halka da’da Sharuudaha laga rabeyna ay ahayd qofku inuu leeyahay khibrad shaqo ugu badnaan 15 ilaa 10 sanno.

Musuq Maasuqa iyo Is dabamarinta Tartankaasi ayey ku eedeyeen Deeqo Yaasiin Xaaji oo ah Wasiirada Haweenka iyo Horomarinta Xaquuqda Aadanaha DF Soomaaliya Deeqa Yuusuf Saleebaan oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi waxayna sheegeen in dadka lagu sheegay inay guulaysteen  laga qaatay Laaluush , halka qaar kalena qaraabo kiil lagu keenay.

Xubnahan Aqoonyahanada ah ee la musuq maasuqey ayaa sheegay Cabashooyinkooda iyo Dacwooyinkooda in ayan Wasaarada ka hoos qaadin,haatana ay ku talo jiraan sidii dacwooyinkooda iyo Cabashadooda ay ugu gudbin lahaayeen Guddiga Baarlamaanka Federaalka u Qaabilsan Xaquuqda Aadanaha iyo Hay,adaha UNka sidii arintaasi ay ugu sameyn lahaayeen dib u eegid iyo Baaritaan.

Like it? Share it!

Leave A Response