Deg Deg: A.A.Warsame oo Hortagay Maxkamada gobolka Banaadir

by Farah C/laahi | Thursday, Dec 21, 2017 | 56 views

Goordhaw Waxaa Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir Ka furmeysa dacwada la xiriirta Xeer ilaalinta Qaranka Oo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ku soo eedeysay Qaran dumis.

Hada Waxaa Gudaha Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ku sugan Cabdiraxmaan Cabdishakuu Warsame oo ah Eedeysane ay Soo EedeysayXeer ilaalinta Soomaaliya

Waxaa sidoo kale dhinac Fadhiya Abshir Maxamed Axmed Bukhaari Gudoomiye Ku xigeenka Aqalka Sare Ee Soomaaliya

Iyo Laba Xildhibaan oo kala ah Mahad Maxamed Salaad iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

Qareenka u doodi doona Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Maxkamada Ku sugan

Wixii soo kordha Halkan kala soco

Like it? Share it!

Leave A Response