Daawo Vedio: Maxaa Maanta ka dhacay Maxkamada Gobolka Banaadir

by Farah C/laahi | Thursday, Dec 21, 2017 | 164 views

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor dhow ku dhawaaqday in xoriyadiisa dib loogu soo celiyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii ay maanta fadhi ka yeelatay dhageysiga dacwada loo heystay.

Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ku horkeeni weyday caddeymo rasmi ah muddo 24 saac loo siiyay, waxaana ay ku guuldareystay dalabka ah in muddo 5 cisho la siiyo, si ay baaritaanka u sii dhameystirto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan.

Like it? Share it!

Leave A Response