Cilad Ku Timid Diyaarad Siday Muwaadiniin Soomaaliyeed

by Farah C/laahi | Saturday, Dec 9, 2017 | 56 views

Waxaa Cilad ku timid diyaarad siday ku dhawaad 100 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo laga soo masaafuriyay Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaan oo tiro ahaan gaarayay illaa 92 ruux dib loogu celiliyay Mareykanka, xilli ay marayeen Magaalada Dakar ee Caasimadda Waddanka Senegal.

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed oo aan heysan Sharciga dalka Mareykanka ayaa siyaabo kala duwan looga soo qab qabtay meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Mareykanka.

Tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka uu noqday Donald Trump waxaa isi soo tarayay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga soo masaafurinayo dalkaasi Mareykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response