Axmed Madoobe oo lagu eedeeyey in Nidaamkii Jubaland uu ka dhigay Mid Boqortooyo ah

by Farah C/laahi | Sunday, Oct 22, 2017 | 77 views

iyadoo maalmahan laga dareemayey Magaalada Kismaayo guux hoose oo ku saabsan dhaqdhaqaaq siyasadeed oo ka dhan ah Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Kismaayo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Kuumade ayey si weyn uga soo hor jeesteen qaab dhaqanka Maamul ee Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ay ku tilmaameen inuu yahay Sida Maamul Boqortooyo balse ay Tilmaameen Odayaashu in Dhismaha Maamulka Jubaland ay ku heshiiyeen Beelo ka badan 30 Beelood.

Kulankan ayaa la xaqiijiyey inaysan wax lug ah ku lahayn Dawladda Federalka soomaaliya balse uu yahay mid ay beelaha Jubalnd kaga hadlayeen Masiirkooda siyaasisadeed ee Jubalnd.

Kulankaasi ayaa intii uu socday waxa ay soo bandhigeen in Maamulkii Jubaland uu jagooyinka ugu muhiimsan uu u magacaabay dad ay qaraabo dhaw yihiin, waxayna ku hanjabeen in haddii Axmed Madoobe wax ka bedeli waayo sida uu u maamulanayo Jubaland ay qaadi doonaan Talaabo ay ku tilmaameen inay wax ku saxayaan.

Qaar ka mid ah Odayaasha ayaa si carol eh u sheegay in Dhibaatada Maamul ee Axmed Madoobe ay soo jiitamaysay Muudo dheer Beelaha Maamulka Jubaland ay muujinayeen Dulqaad iyagoo filayey inuu wax ka bedeli doono Hanaanka uu ku socdo, balse haatan waxa ay sheegeen inuu ka dhamaaday duqaadkii ay u muujin jireen Maamulka uu hor kacayo axmed Madoobe.

Odayaasha Beelaha Kuumade ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Jubaland in uu wax ka bedelo nidaamka Boqortooyada ah ee uu haatan ku Maamulayo Jubaland.

Gebagebadii Kulanka ayey Odayaasha Beelaha Kuumade soo bandhigeen Jagooyinka uu Axmed Madoobe u magacaabay dadka ay qaraabada hoose yihiin waxaana ugu muhiimsanaa sidatan.

Waxa ay ka bilaabeen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe waa maxamed Subeer, Reer Cabdille

  1. Ismaaciil Saxardiid Taliyaha Ciidamada XDS ee Jubaland oo ka soo jeeda Beesha Maxamed Subeer, Reer Cabdille.
  2. Maxamed Naasir Ciidamada Taliyaha Booliska Jubaland, Beesha Maxamed Subeer, Reer Cabdille.
  3. Aadan Goojaar Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubaland, Maxamed Subeer, Reer Isaaq.
  4. Cabdi Mahdi Taliyaha Ciidamada Jubaland, Maxamed Subeer. Reer Cabdille
  5. Gaboobe Xasan Barre Abaanduulaha Ciidamada Jubaland, Maxamed Subeer, Reer Cabdille.
  6. Haybe Taliyaha Amniga Dhoobley, Maxamed Subeer Reer Cabdille.
  7. Siyaad Boojis Gudoomiyaha Degmada Dhoobley, Maxamed Subeer, Reer Cabdille.
  8. Asad Dhagjar G/Ku Xigeenka Degmada Dhoobley ee arimaha Maaliyada iyo Bulshada, Maxamed Subeer, Reer Cabdille.
  9. Dhamaan Maamulayaasha Degmada Afmadow waa maxamed Subeer, Reer Cabdille

Si kastaba ha ahaatee arimahan ayaan la ogayn sida uu u wajihi Doono Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyadoo la og yahay inuu jiro dadaal ay Dawladda FS ku doonayso inay kaga taqalusto Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu 28 Bishan casuumay Dhamaan Madaxda maamul goboleedyada taasoo u muuqata in wadahadal lagu dhameeyo Khilaafka u dhexeeya Dawalada FS iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

 

Like it? Share it!

Leave A Response