Al Shabaab oo 5 ruux ku toogtay Fagaaro ku yaal gobolka Bay

by Farah C/laahi | Monday, Dec 25, 2017 | 44 views

Xarakada Al-shabaab ayaa shan qof waxaa ay ku toogatay fagaare ku yaalla degaanka Iidaale ee Gobolka Baay,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay basaasiin ahaayeen.

Iidaale waxaa ay 60KM u jirtaa Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana Raggan la toogtay lagu eedeeyay in ay u shaqeynayeen Hay’adaha sirdoonka Dowladda Soomaaliya,Dowladda Mareykanka iyo dowlado kale.

Magacyada Ragga la toogtay ayey Al-shabaab ku sheegeen in ay kala yihiin.

Mahad Cali Xasan oo lagu eedeeyay in uu  la shaqeynayay ciidamada Bangarafka ee Maraykanka uu tababaray, halka Jibriil Saalax Xaaji Maxamed lagu eedeeyay in uu  la shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka, Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland, Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda, halka C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur galbeed ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response