Afhayeen Jawaari oo Canaantay Xeer Ilaaliyaha Qaranka

by Farah C/laahi | Friday, Dec 22, 2017 | 57 views
  1. Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku dhaliilay Xeer Ilaaliyaha in iyadoo aanu Guddoonka soo gaarin warqadii codsiga xasaanada uu saxaafada ka sii daayay, isla markaana ka sheegay magacyada labada Xildhibaan, taasoo lagu sheegay inay mid qalad ah oo baal marsan sharciga.

Sidoo kale waxaa Xeer Ilaaliyaha Talooyin loogu soo jeediyay in marka uu ka hadlayo arrimaha xasaasiga inuu tixgeliyo xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalka, waxaa kaloo la faray inuu ka digtoonaado baal marida habraacyada sharciga faray.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa u sheegay Xeer Ilaaliyaha in aan codsigiisa la horgeyn karin Golaha shacabka, iyadoo aan laga baaraan-degin lana qiimeyn caddeymaha ay xildhibaanada ku eedeysan yihiin, sidaas darteed uu Xildhibaanada uu xasaanada ku weyn karo cod hal dheeri ah kulanka guud ee Golaha shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response