Abaaldhaca iyo kelitalisnimadu ma dhaxaltooya!!

by Farah C/laahi | Saturday, Dec 23, 2017 | 3882 views

Abaaldhaca Siyaad Barre waxaan ku baranay Gabeyre, Sidoo kale abaaldhaca Farmaajo waxaan ku baranay Shakuur. Dib dambe ma loo aamini doona dadka nuucaas ah!!!

Labaduba waxey ku soo cid galeen caadifad iyo naceyb ay u qabaan dadkii ay xilka kala wareegeen. Labaduba ergo aamina waa u noqon waayeen sharciga dhowraya xuquuqda dadka iyo dowlad wanaaga.

Labaduba awoodooda waxaa kula takri falayey laangaabyo maangaaba. Inkasto ay kala taariikh yihiin, haddana waa isku uur xiran yihiin. Waxaa fiiro gaara mudan in labaduba isaga eg yihiin inaan dabadood laga dhaxlin dal dhisan iyo dowlad dhaqan, in kasta oo ay la wareegaan dowlado dhisidooda dhib badan laga soo maray.

Dadka caaqiliinta ah waxey shacabka Muqdisho ka badbaadiyeen shirqoole loo maleegey dhexdooda iyo in iyaga la isku xajiimeeyo, waxeyna muujiyeen garasho siyaasadeed iyo mid dhaqan oo tilmaameysa wax la isku mucaaradayo iney tahay fikir siyaasadeed oo salka ku haysa hogaanxumo dalka taladiisa lagu duminayo, sidaas daradeedna iska horkeenida beelaha aysan xal u noqon karin cakirnaanta iyo xasaradeynta siyaasadeed ee gabalka ugu dhaco, waaguna ugu gaduuto madaxtooyada.

Waxaan maqlay hogaamiyaha milateriga Kacaankii Oktobar oo markaas ku jirey maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa oo ciidankiisa amrayey iney madaafiic ku garaacaan xaafadaha shacabku degen yihiin ee magaalada Muqdisho oo haddana warbaahinta ku beerlaxawsanaya shacabka isaga oo leh ma doonayo hal qof oo shacaba iney qodax mudo oo xanuunkiisa waan ka danqanayaa, maantana sidaas si la mida ayaa loo maleegayaa halaaga dadka raidka ee reer Muqdisho iyadoo loo adeegsanayo qowsaaro aan damiir lahayn oo dhuuniraac madaxda dowlada ugu guulwadeeya iyo xagjiriinta laga soo kireysto mucaaradka hubeysan, waxaana taas xigta raaligelin lagu muujinayo sida looga xun yahay dhibka shacabka soo gaara.

Maanta dalku wuxuu u baahan yahay xildhibaano qowleysatada dalka sharci uga difaaca iyo shacabka oo hubkiisa ku difaacda xoriyadiisa. Haddii taasi shaqeyn weyso ayaa waxaa imaaneysa baahida loo qabo jabhado hubeysan oo xoog ku xaliya xukunka kelitalisnimada.

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Like it? Share it!

Leave A Response