Xiriirkii Maamulka Somaliland iyo Itoobiya oo Xumaaday

by Farah C/laahi | Thursday, Sep 14, 2017 | 100 views

Hargeysa (GarsoorNews) — Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horeysay waxaa ka soo degay laba Diyaaradood oo Qaadka Miirooga loo yaqaano ka keenay dalka Kenya.

Isku dhac sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay dhexmaray qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida gudaha dalka Itoobiya, taasi oo loo aanaynayo in Qaadkii Itoobiya uu hakad galo.

Magaalooyinka Soomaaliland oo ay ka mid tahay Hargeysa ayaa shalay waxaanan ka soo degin wax Qaad ah, maadaama Ganacsatadii Qaadka ka keeni jirtay dalka Itoobiya aanay soo iibsan wax Qaad ah.

Ganacsatada Qaadka ku iibisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay sababta ay u joojiyeen Qaadkii ka imaanayay Itoobiya, ayna u keensadeen Qaadka Kenya in ay tahay, kadib markii Oromada ay dileen dad Soomaali ah.

“Waxa weeyaan dad Soomaaliyeed baa lagu laayay kilinka Oromada, waxay dileen 43 qof oo ka ganacsanayay Qaadka, sanado badan ayaan ganacsi laheyn, laakiin Oromo dambe Ganacsi lama yeelan doono.” Ayay yiraahdeen qaar ka tirsan Ganacsatada.

Qaadka Miirooga ee laga keeno dalka Kenya ayaa waxa uu mamnuuc ka ahaa magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliland, laakiin maanta waxa uu si toos ah uga soo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response