Sawiro: Wajiga koowaad ee shaqo abuurka G/Banaadir oo la furay

by Farah C/laahi | Tuesday, Sep 5, 2017 | 151 views

Bandhigga wejiga koowaad ee shaqo abuurka dhaliyarada ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Qorshahan ayaa lagu shaqaaleynayaa 1000 dhalinyaro ah iyadoo uu maalgelineyso Midowga Yurub, waxaana maamulaya maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in fursadaha shaqo oo aad u yar marka loo eego baahida jirta si siman loogu qeybin doono wiilasha iyo gabdhaha.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in mushaarka shaqaalaha la qaadanayo uu noqon doono $150 taasoo ah qiime siman. “Fursadan waxaa ka faaiideysana Muqdishaawiga mudan, waxaan ugu sii mudan dhaliyarada Shaqo la’aanta ah ee Caasimada” ayuu yiri Mudane Taabit.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee dhinaca maaliyadda ayaa sheegtay in shaqaalaha laga qorayo degmooyinka uuna xaq u yeelanayo qof kasta oo reer Muqdisho ah oo heysta shahaado Dugsi Sare, isla markaana da’diisu u dhaxeyso 18 ilaa 29 sano.

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response