3 Bil Kadib, Maxaa Ka Qabsoomay Ballantii Farmaajo?

by Farah C/laahi | Monday, Sep 18, 2017 | 148 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajowaxaa uu 4-tii June ee sanadkan, Garoonka Koonis ka ballan-qaaday in uu 3 bil gudahood wax uga qaban-doono cadaaladda dalka, isaga oo yiri “Waxaa noogu soo xigta Cadaaladda oo aan ballan idiinka qaaday ammaano iyo amni,  waa hawl is wadata oo aan hadda wadno, caddaaladda soo fiiirsada, soo ogaada, saddex-da  bil ee soo socota waxa aan ka qabanno, waa ay dhammaatay umaddan Soomaaliyeed ee dhibaateysan in xaqooda ay heli waayaan, ragga odoyaashaa oo xaakimiinta ah waxaan idiin sheegeynaa haddii awal ay jireen in guryo aad xukuntaan shan shan jeer oo isku rogtaan waqtigeeda wuu dhamaaday, In hooyo ooneysa ama qof xaqiisa u ooyaya aad dhibaateysaan waqtigeeda wuu dhamaaaday, Caddaalad baa la idiin ka rabaa,haddii aad caddaalad keeni weysaan annaga nama matashaan, shacabka ma matashaan, dowladda ma matashaan, waxaad ku dambeyneysaan xabsi”.

Madaxweyne Farmaajo oo sii hadlaya waxaa hadaladiisa ka mid ahaa Mar dambe dhici meyso , oo anaa ballan-qaaday, oo dowladda ayaa ballan qaaday,  qof Soomaaliyeed intuu hortago maxkamad caddaalad darro lagu sameeyo, howshaasi waa waxyaabaha dalkani meesha uu taagan yahay gaar siiyay, oo ilaahey noogu carooday, oo aan adduunka uga hooseyno , Labo qof iyo saddex qof oo xun, ka yeeli meyno in magaceenna isticmaalaan umadda Soomaaliyeed duleeyaan oo dhibaato u geystaan oo xaq-darro ku sameeyaan u adkeysan meyno”.

3 bil khudbaddaasi taariikhiga ah,  Goobjoog News ayaa baaritaan ku sameysay waxa ka qabsoomay ballan-qaadka madaxweyne Farmaajo ee mudadaasi, innaga oo la xiriirnay maamul goboleedyada dalka, hey’adaha kala duwan ee garsoorka, xafiisyada dowladda federaalka ah,  wasaaradda cadaaladda iyo guddoomiyaha maxkamadda sare si ay uga jawaabaan waxa ballanta ka qabsoomay.

Ugu Horeyntii , Wasiirka Cadaaladda Avv. Xasan Xuseen Xaaji  waxaa uu Goobjoog News soo gaarsiiyay waxqabadka xukuumadda ee arrimaha garsoorka 90-kii maalmood ee la soo dhaafay isaga oo sheegay in ay qabteen “Afar iyo Toban (14) sharci: “Sideed (8) sharci”, Labo (2) Wasaaradda Cadaaladdu dib-u-eegis ku sameysay, kaddibna u gudbisay Golaha Wasiiradda lana ansixyey iyo Lix (6) Wasaaradda Cadaaladda kasoo gaaray Wasaaradaha kale ee Xukuumadda, markii waajibka uga aaddan Wasaaradda Cadaaladdu ka qabatayna loo-celiyey Wasaaradihii ay kasoo kala gaareen.

Sharciyada waxaa ka mid ah: ka shaqeynta sameynta “Hannaanka Cadaaladda iyo Asluubta ee Qaran, dardar-gelinta hawlaha “Sharci-diyaarinta iyo Sharci-qorista ee Wasaaradda”, Dhameystir lagu sameeyey “Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La dagaalanka Musuq-maasuqa”, Dib-u- eegis iyo dhameystir lagu sameeyey “Sharciga Xafiiska Garyaqanka Guud ee Dawladda”, Dib-u- eegis lagu sameeyey“Sharciga Isgaarsiinta Qaranka”,Dib-u- eegis lagu sameeyey“Sharciga Waxbarashada Guud”,“Sharciga Batroolka”,“Sharciga Hay’adaha aan Dawliga ahayn (NGOs)”, Dardar-gelinta hawlaha “Sharci-diyaarinta iyo Sharci-qorista ee Wasaaradda”.  Waxaa kale oo la diyaariyey oo qalabkiisa iyo shaqaalihiisaba loo dhameystiray “Xafiiska Sharci-qorista iyo Diyaarinta Siyaasadaha iyo shaqaalihiisa, Waxaa la isla meel-dhigay furitaanka iyo hawl-gelinta “Mac-hadka Tababarka Garsoorka”.

Hadaba, Jawaabta xukuumadda federaalka ah kadib, waxaan soo gudbin-doonnaa heerka uu marayo xaaladda garsoorka dalka iyo haddii ay wax ka hirgaleen ballan-qaadkii madaxweyne Farmaajo, taasi oo aad ka cabir-qaadan karto qiimeynta aanu sameynay.

Xaaladda Garsoorka Dalka:

Gobolka Banaadir:

Banaadir waa gobolka ugu dadka badan Soomaaliya, Muqdisho waa xarunta dowladda federaalka ah, waxaa ka jira garsoor,  tusaale ahaan sida ay sheegeyso maxkamadda sare, dhammaan degmooyinka marka laga reebo Boondheere, Shibis iyo Kaxda inta kale waxaa ay leeyihiin maxkamad degmo, waxaa ay ku shaqeeyaan saldhigyada iyo gobolka, degmooyinkaas waxaa ka howlgala 34 garsoore oo waxaa la sheegayaa in ay u kala tiro badan yihiin sida ay u kala weyn yihiin.

Hadda xabsiga dhexe ee Muqdisho waxaa ku xiran 1209, waxaa kale oo xusid mudan in 114 maxbuus la sii daayey dhammaadkii bishii Ramadaan, waxaa cafiyay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Faraamjo.

Hirshabeelle:

Hirshabeelle waxaa ay ka kooban tahay Shabeelada dhexe iyo Hiiraan, gobolka Shabeellada dhexe, Magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka waa magaalada keliya ee saddex maxkamad ku yaalaan, Racfaanka oo leh 2 garsoore iyo 3 kaaliye leh , maxkamadda gobolka oo leh 2 garsoore iyo 3 kaaliye leh  iyo maxkamadda degmada oo 2 garsoore leh, garsoorayaashaasi dowladda dhexe wax mushaar ah ma siiso, waxaa kale oo xusid mudan in Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahadey oo 1960-kii maxkamado la lahaa aaney hadda laheyn!!

Gobolka Hiiraan:  Magaalada Baladweyn waxaa ay leedahay Maxkamadda degmada iyo midda gobolka, qarash la’aan dhacday awgeed, maxkamadda degmada ayaa la isugu geeyay dacwooyinka darajada 1aad halka maxkamadii gobolka loo badalay racfaan, Buul-bade, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh.

Labada gobol waxaa ay ka siman yihiin oo kale mushaar la’aanta marka laga soo tago, Wakiilka xeer ilaaliyaha guud ma joogo, Asluubti sidoo kale, Gaadiid lagu shaqeeyana ma leh.

Galmudug: waa muumul kale oo garsoor la’aani ka jirto, hey’adaha garsoorka iyo cadaaladda ee 4ta ah sida Booliiska, xeer ilaalinta, xabsiga iyo garsooyaal inta ma joogaan, waxaa marar qaar dhacdo in garsoor la helo  iyada oo aan dhinacyada kale joogin, taasi oo cadaalad darro keeni karta, wixii Galmudug ka dhaco waxaa lagu xaliyaa qaab beeleed!!

Koonfur Galbeed: Maaamul Goboleed, waxaa ay Goobjoog News soo gaasriiyay warbixin sheegeysa in uu u dhisan yahay garsoorka maamulka sida Makamad sare , oo ah mid a ugu sareysa ee Koonfur galbeed, sadex maxkamadood oo ah heerka racfaanka ah sida maxkamadda Racfaanka gobolka shabeelha hoose, maxkamadda racfaanka Bakool maxkamadda racfaanka Bay. Iyo sidoo kale Maxkamadaha Baydhabo,  Buur-hakabo, Xudur, Wanla-weyn, Afgooye iyo Baraawe….Dhammaan garsoorkaas la sheegayo waa mid aananan shaqeyn oo magac u yaal ah!!

Waxaa jira caqabado maamulkani heysta, tusaale ahaan Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, guud ahaan garsoorka Koonfur galbeed waxaa heysto caqabado ay ka mid ah yihiin mushaar la’aan, dowladda dhexe waxba kama helaan, haddii xitaa ay maxkamad xukun gaarto lama haayo ciidan fuliya iyo xabsiyo la geliyo!!

Jubbaland:

Kismaayo waxaa ku taallo Maxkamadaha degmada, midda gobolka Jubada hoose iyo midda racfaanka, mid kasta oo maxkamadahaasi ka tirsan waxaa ka howlgala 4 garsoore, 2 kaaliye iyo guddoomiye, 2 Maxkamad ee hore waa darajada 1aad iyo racfaanka oo ah darajada 2aad. Dacwooyinka ay qabtaan waa madani iyo ciqaab, waxaa kale oo jirta maxkamadda ciidamada.

Wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubada dhexe iyo Gedo, xitaa garsoorka Kismaayo ka shaqeeya waxaa tababar iyo lacag siiya mamulka Jubbalabd.

Puntland:

Maamul goboleedka Puntland waa midka ugu dhaw xagga sharciyada federaalka ah, waxaa uu leeyahay Maxkamadda sare, mid dastuuri ah,  racfaan, maxkamadaha  darag heer 1aad, guddiga sare garsoorka,  guddoomiyaha maxkamadda sare,  3 garsoore maxkamadda sare, 2 garyaqaan, iyo xeer illaalinta.

Puntland marka la joogo maxkamadda darajada 2aad waa midda gobolka, waxaa xigta racfaanka, waxaa kale oo Garoowe ku taallo Maxkamadda sare….Puntland waxaa ay dhibaato garsoor ka jirtaa tuulooyinka iyo meelaha fog.

In kasta oo Maxkamadaheeda ay u dhisan yihiin qaabkii federaalka ah hadana sharciyada ay ku shaqeeyaan waa nidaamkii garsoorka ee dowladii dhexe 1991-dii.

Caqabadaha Heysta Garsoorka Dalka:

Garsoorkii 1991-kii: Garsoorka hadda dalka lagu dhaqo waa midkii ay ka tagtay dowladdii dhexe 1991-kii, waxaa ay dhibaato ka jirtaa iswaafajinta nidaamkaasi iyo midka federaalka ah.

Dastuur Federaal Ah: Dhamestirka dastuurka waxaa ku xiran in nidaamyadii kale ee federaalka ahaa ay shaqeeyaan, taasi oo aan suurogal aheyn inta dastuurka uu qabyo yahay oo aan la ansixin.

Dhisme Garsoor Federaal Ah: Weli ma bilaaban ka hadlidda nidaamka federaalka ah, Garsoorka dalku wuxuu noqonayaa sadex Heer oo kala ah: (a) Maxkamada Dastuurka (b) Maxkamadaha Heer Dawlad Federaal; iyo (c) Maxkamadaha Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawlada Federaalka. Maxkamada ugu saraysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dawladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah.

Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka: Qodobka 109 ee dastuurka waxaa uu ka hadlayaa dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, golahan waa uu laalan yahay, illaa iyo hadda lama oga wax ku dheggan, golaha waa midka  hawsha guud ahaan garsoorka ku xiran tahay.

Asaaska Maxkamadda Dastuurka: Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare, shaqadan weli ma bilaaban

Garsoor Siyaasadeysan: Soomaaliya garsoorka hadda ka jira waa mid qabyaalad ku dhisan ama 4.5 ah, tusaale ahaa ururka qareennada oo xaruntoodu tahay Muqdisho tiradooda waa 91 qareen, waxaa lagu fadhiyaa qaab 4.5 ah, maamul goboleed kasta waxaa uu leeyahay tiro qareenno ah oo la yaqaanno sida 35 qareen oo Puntland ka socota, 34 Koonfur galbeed ah..maamul walba dad ayaa u matalaya…dad badan ayaa isweydiinaya ma goob cilmi iyo proffis mise aqoonta ayaa qabiil gashay.

Ceyrinta Garsoorayaasha:  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Caqabadda ugu weyn ayaa ah:  in garsoorayaashaasi ku yimaadeen xeer madaxweyne, waxaa ay shaqada ka tagi karaan marka ay madaxweynaha u soo jeediyaan Golaha Adeegga Garsoorku isagana uu saxiiso, golohii soo jeedin lahaa maba dhisna!

Ugu Dambeyntii, Ballantii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee la xiriirtay cadaaladda iyo garsoorka dalka, waxaa xaqiiqo noqotay in aan 3dii bil ee la soo dhaafay aan waxba laga qaban, waa ballan-qaad kale ee uu madaxweynaha ku guul-dareystay, waa “Qawda maqashii waxna ha u qaban” !

Goobjoog News

Like it? Share it!

Leave A Response