Scroll to Top

GarsoorNews

Xogaha daahsoon iyo xaqiiqooyinka

September 18, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajowaxaa uu 4-tii June ee sanadkan, Garoonka Koonis ka ballan-qaaday in uu 3 bil gudahood wax uga qaban-doono cadaaladda dalka, isaga oo yiri “Waxaa noogu soo xigta Cadaaladda oo aan ballan idiinka qaaday ammaano iyo amni,  waa hawl is wadata oo aan hadda wadno, caddaaladda soo fiiirsada,...

September 13, 2017

Bashiir M. Xersi (GarsoorNews) — Xaaladda la soo gudboonatay Xasan Daahir Aways qofba dhan iska taag. Mid QABIILku ayida iyo mid aragtida gurracan “DIIN DACAREED” ee uu aaminsan yahay ku raaca. Dhanka kale, qaarbaa uga soo horjeestay inuu GACAN KU DHIIGLE yahay “CAADIFAD BEENA” iyo qaar uga soo horjeestay inay fursad u tahay haybadda Dawladnimo “MAALIN...

September 4, 2017

Bashiir M. Xersi (GarsoorNews) — “HILAADIN”, oo ah dhigane aan qoray, daabiddiisuna socoto, dhawaanna soo bixidoona, ayaa waxaa jira halbeeg la yiraa: “WADAAD MA AHA WALI!” aan ku leeyahay sidan; “War wadaad iyo waliimo, wixii laga yiri ayaa iga deeqa, haddana, sida dadka kale, markay leexdeen ama leexiyaan ama leexsadaan –sida ay u badan yihiin- aragti...

June 11, 2017

Bariga Dhexe balaayada ka soo socota ma ahan wax go’aan deg deg ah laga gaari karo. Carabi ehel uma ahan Soomaalida, haddana waa dad aan wadaagno diin iyo dhaqan. Anigu ma aaminsani inaan dhalasho wadaagno, in kasto derisnimadu ay dhalin karto kala guursasho. Sidaas oo ay tahay ayeey wadamada carabtu yihiin kuwo lagama maarman u ah danta guud ee dalka iyo dadka....

June 10, 2017

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa maqaal aan ugu talo galay inaan ku iftiimiyo qayb kamid ah qaladaadka joogtada ah ee qaar kamid ah Madaxda Qaranku ka galayaan Dalkii iyo Dadkii ay mas’uuliyada uhayeen. Si loo saxo, Dowladuna aysan dhumin kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Doorashadii Madaxweynaha, Magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha iyo Dhismihii...

June 10, 2017

Maxamed Yuusuf iyo Nasra Cabdi ayaa ugu dambayn isku guursaday xaafadda Xamarta ee magaalada Burco ka dib markii ay Nasra dhammaysatay sannad iyo lix bilood oo xadhiga ah oo ay ku qaatay xabsiga dhexe ee Burco halka Maxamed-na uu ka soo laabtay safar uu 3 sanno oo bad iyo barri leh kaasi oo uu ugu sugnaa dalal afrika iyo Yurub ka mid ah . Nasra ayaa xadhiga ku mutaysatay...

May 14, 2017

C/llahi Ruush (Garsoor Online) — Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhallinyaradii nasiibka u yeelatay, eebbena waafajiyey inay asaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkan in aan dadweynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta laheyd ee la soo...

May 8, 2017

Sirta guusha waa hadba sida aad ula macaamisho caqabadaha ku soo wajaha iyo casharka aad ka baratay wixii horay kuu soo maray. Waxaan halkan kugu soo gudbinayaa dhowr sifo oo ku caan ah sirta guusha iyo dulucda ka dambeysa 1-Marka aad hawl qabaneyso si cabsi la,aan ah u qabo. Haddii aad cid , shaqsi, ama koox ka baqeyso wey adaktahay in aad gaarto hadafkaada mana laga...

April 13, 2017

Dhacdadaan waxaa iiga sheekeeyey nin ka mid ahaa saraakiishii dowladdii dhexe ee madaxweyne Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. Nin dhalashadiisa aan hadda la hubin laakiin loo maleynayo inuu ka soo jeedo dalka Hindiya ayaa dukaan ku la’haa suuqa Fiya Leybeeriya ee degmada Waaberi, dukaanku wuxuu ahaa mid aad u camiran dadkuna aad uga dukaameystaan waxaana...

April 9, 2017

Sannadkii 1975, waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu dilay 10 kamid ah culimadii rabbaaniyiinta ee wadanka, kadib markii ay kasoo hor jeesteen xeer ay gaalo keentay oo dhigayay in ragga iyo dumarku siman yihiin iyo arrimo kale oo xad gudub ku ah diinta islaamka, kuwaas oo uu afkiisa kaga dhawaaqay Max’med Siyaad Barre Madaxweynihii dowladdii Kacaanka. Subaxnimo...

April 8, 2017

inta aan u galin dulucda qoraalka marka hore aan is weydiino waa maxay Musuq-maasuq?, haddaan ka jawaabno su’aashaasi, waxaa la dhihi karaa Musuq-maasuqu waa wax is dhaafsi ama wax is daba-marin, haddii si kale loo dhigana waxa uu noqon karaa kan jecli kanna necbi iyo tani anigeey igu fiican tahay, taasina waxay dumisaa hoosna u dhigtaa heykalka Dawladnimo iyo hoos u...

March 11, 2017

Yuusuf Garaad Cumar (Garsoor Online) — London kama fili kartid in aad rajeyso in aad u shaqeyso Dowladda UK adiga oo aan af Ingiriis qori aqoon akhrina karin. Dal waliba waa sidaas oo kale marka ay timaaddo Afka rasmiga ah ee Dowladda. Maxaa ka duwaya Soomaaliya?  Qof aan Soomaali qorin, akhrinna karin, isku dayeyn in uu barto, lana gabbaneyn, sidee ugu riyoon karaa...

February 20, 2017

Yusuf Garaad (Garsoor Online) — Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS) berigii aan ardayga ka ahaa 1982 – 1986 waxaa dhaqan u ahayd in ay qabato dood cilmiyeedyo iyo muxaadarooyin ay qaarkood jeediyaan aqoonyahanno iyo Madax Sare oo ay Wasiirro ka mid yihiin. Doodaha xusuusta igu reebay waxaa ka mid ah dood loo bixiyay Qabiilka iyo Qaranka oo toddobaad ka socotay xaruntii...

February 17, 2017

Abdi M Ismail (Garsoor Online) — Qof walba oo Soomaali ah ee noolaa Xornimada ka hor waxa uu ku fekearyey haddii laga xoroobo Gumaystayaasha in ay Soomaalidu heli doonaan Dawlad dhinac kasta ah horumar ka gaarsiisa oo dhibkii la soo maray ay ku iloobaan, taariikhduna waxa ay qoraysaa in Maalmihii 26kii June iyo 1dii July 1960 ay mashxarad iyo Banaanbaxyo ku soo dhaweeyeen...

February 15, 2017

Abdulkadir Dulyar  (Garsoor Online) — Marka hore waa Nasri Alle iyo Nasiib wanaag in ay si nabad galya ah iyo rabitaankii shacabka Soomaaliyeed  ay  ku  soo Af meeranto 08 February 2017Ka  Doorashadii  Madaxweynaha  Soomaaliya ee lagu qabtay markii labaad Caasimada Soomaaliya ee  Muqdisho,mana aheyn guushaasi mid si fudud lagu gaaray  ee waxaa laga soo maray...

January 30, 2017

Ibraahiim Cismaan Afrax (Garsoor Online) —  Ummad jecel in ay noqdaan kuwa ugu sarreeya dunida (san ku neef lohoo idil) haddana oraa hohoodu ay saluugayaan siyaa bihii lagu noqon lahaa tabtaas ama si u dhaw. Dad doonaya in ay wanaag helaan misana saad sanaya shar. Waa duul markay hadlayaan soo tufaya dacar,  daxal iyo carun. Haddiise hadal lotaban uu afkoodu soo tebiyo...

January 29, 2017

WASHINGTON (Garsoor Online) — Iyadoo jawaabo kala duwan laga bixiyey siyaasadda muhaajiriinta ee madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ee uu uga mamnuucay dalka Mareykanka inay soo galaan muwaadiniinta waddamada Iraq, Iran, Libya, Somalia, Sudan Syria iyo Yeman ayaa fannaanadda heesaha deggen ee jacaylka u badan ku luuqeysa ee Rihanna ay ku qortay barteeda Twitterka...

January 25, 2017

MUQDISHO (Garsoor Online) — Senator Abshir Axmed Maxamed, Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ah mudanaha kali ah sameeyay talaabo aan hore looga baran Mas’uuliyiintii hore. Mudane Abshir ayaa taageero dhankasta ah u fidiyay dadka dan yarta ah ee ku nool deegaanadii laga soo doortay. Daawo Video Muujinaya Waxqabadkii ugu Horeeyay...

January 23, 2017

Xildhibaanada qarankow Dhurwaaga Dhulkeena Ka Soo Dhiciya Shisheeyuhu Midnimada Shacabkuu Burburkeeda Curiyaa Shisheeyuhu Midnimada Islaanimada Iyo Soomaalinimaduu Dhaqanrogaa Shisheeyuhu Qowsaaruu U Adeegsadaa Iskhilaafinta Shacabka Shisheeyuhu Dagaalada Sokeeyuu Dalka U Abaabulaa Shisheeyuhu Dalkuu Ka Qixiyaa Dadkiisa Waxgaradkaa Shisheeyuhu Shacabkuu Ku Maaweeliyaa...

January 23, 2017

Axmed Siigaale (Garsoor Online) — Markaad si dhab ah ugu kuur gasho aadna wareysato dadka xog ogaalka u ah xaaladda ay ku sugan tahay Degmeda Ceelbuur waxa aad durbadiiba dareemeysaa xanuun, niyad-xumo iyo in la dayacay oo la hilmaamay Degmedaas.Ceelbuur waxa ay dhacdaa Bariga Gobolka Galuguud waana Magaalo taariikh iyo xadaarad facweyn leh kana mid ah Magaalooyinka...

January 18, 2017

Idiris Abdulkadir Mohamed (Garsoor Online) — Dad badan ayaa laga yaabaa ineysan xog badan ka heyn sida uu ku bilowday isla markaana uu ilaa haatan ku socdo kiiska la xariira gabar 16 jir ah oo ay kufsi wadareed ugeysteen 6 wiil oo qaan gaar ah. Kufsigan oo uu wehliyay jirdil iyo tooreyn gabadha lagula kacay ayaa keenay iney naxdin iyo dhaawacyo soo gaaray darteed ilaa...

January 16, 2017

Ali Abdi Ali Hoshow (Garoor Online) — Tolmoon, waa gabar joog dheer, muuqeeda la weheshado. Laguma cuno oo laguma cawryo iga dheh! Waa gabar tol la’, sanado badan nin la’aan ku hoyatay aqal hoori ay biyuhu ku hooraan, waxa ay ku dhowdahay da’da khuusashada oo ah inay gablanto. Tolmoon, kuma noola jawi huur leh , aqalkeeda waxaa ku yaalla laba geed oo midkood...

January 14, 2017

Amiin Yuusuf Khasaaro (Garsoor Online) — Odey saaxiibkey ah ayaa marki uu saakey waagu baryey igu qabtey Jidka Mak Al-Mukarama markaasuu I weydiiyey Su’aal igu adkaatey Jawaabteeda bal se aan ka fursan waayey in aan uga jawaabo , waxaa uu I weydiiyey Labada Xildhibaan ee isugu soo harey Doorashada Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad reeraha ay ka soo jeedaan ama...

January 9, 2017

ZURICH (Garsoor Online) — Ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka C.Ronaldo ayaa waxaa loo doortay weeraryahanka kooxda isagoo abaalmarintan ka dulqaaday ciyaaryahanada kala ah Griezmann iyo L.Messi Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ayaa mar kale noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka xili uu isla sanadkan ku guuleystay  xidiga Aduunka ee abaalmarinta France Magazine...

January 9, 2017

DHUS-MAREEB (Garsoor Online) — Maamulka Ahlusunna ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi waxa ay u magacaabeen Saadaq Sheekh yuusuf Direed oo maanta laga qaaday xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi. Warbaahinta ayaa maanta horey u sii saadaalineysay in Saadaq Sheekh yuusuf Direed uu noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Ahlusunna. Xildhibaanada Baarlamaankan...

January 9, 2017

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madxaweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Maamulka HirsChabeelle, Xili uu ka soo noqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee uu howlo shaqo  ku tegay. Mudane...

January 9, 2017

MUQDISHO (Garsoor Online) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo  Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Khudabadaha Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo shalay bilaabatay ayaa maanta la soo gaba...

January 9, 2017

BOOSAASO (Garsoor Online) — Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwalli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagay degmada Qandala ee gobolka Bari, oo lagala wareegay kooxda Daacish. Wafdiga madaxweynaha maamulka Puntland oo ay kamid ahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa safarkooda wuxuu ahaa mid si weyn loo hadal hayay labadii maalin ee...

January 9, 2017

DHUS-MAREEB (Garsoor Online) — Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee goboladda dhexe ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mid kamid ah madaxweyne ku xigeenada maamulkaasi. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ayaa waxaa lagu shaaciyay in xilkii laga qaaday Saadaq Sheekh Yuusuf oo kamid ahaa madaxweyne ku xigeenada maamulkaasi. Muxidiin Cali Jimcaale...

January 9, 2017

MUQDISHO (Garsoor Online) — Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibi) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ahna Musharax u traagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu maanta xildhibaanada Baarlamaanka ka horjeediyay Khudbad uu uga hadlayay wax qabadkiisa hadii la doorto. Prof. Ibi oo jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabaneysay...